Iyadoo ay dhammaatay mudaddii Guddiga Xalinta Khilaafaadka u qabsaday inuu go’aan uga qaato muranka ka dhashay Doorashadii Kursiga HOP067 ayaa waxaa soo baxya xogta waxa uu noqon doono go’aankaasi.
Sida ay ilo ka tirsan Guddiga u sheegeen Goobjooge, wuxuu guddigu cadaadis weyn kala kulmay dhinacyada Villa Somalia iyo maamulka Galmudug oo doonayey in kursiga sidiisa loo sharciyeeyo, lana ansixiyo natiijadii kasoo baxday magaalada dhuusamareeb ee ahayd inuu kusoo baxay agaasimaha KMG ah ee NISA.
Guddiga ayaa la sheegay inuu qaatay go’aan u janjeera sharciyeynta Doorashadii kursigan, waxaana la filaya inuu go’aankaasi ku dhawaaqo saacadhaa soo socda, iyadoo go’aankaasi la wada sugayo uu noqon doono mid ka tarjumaya xaaladda uu Guddiga xalinta Khilafaadka ku sugan yahay.
Dhinaca kale odayaal iyo musharixiin ka mida beesha kursigan leh ee dacwadda ka gudbiyay ayaa abaabul ka wad magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay si weyn uga hor yimaadaan go’aanka Guddiga.
Waxaa kaloo caasimadda ka socda abaabul kale oo lagu taageerayo go’aanka Guddiga xalinta iyo xildhibaanka kusoo baxay Kursiga.
