Sunday, July 13, 2025

Xog laga helay Ninkii Soomaaliga ahaa ee Dadka ku dilay magaalada Wurzburg ee dalka Germany

Xog dheeraad ah ayaa laga helay Nin Soomaali ah oo xalay weerar Mindi loo adeegsaday ka fuliyey magaalada Wurzburg ee dalka Germany.

Ninkan oo Hay’adaha Amniga aysan weli magaciisa shaacin ayaa saddex qof ku dilay Toorey, wuxuuna dhaawacy Shan kale, iyadoo wararka soo baxay ay sheegayaan inuu ahaa soo galooti ah, balse xaaladiisa maslaceed darteed ay ku socotay daaweyn khasab ah oo xagga dhimirka ah maalmo ka hor.

Eedeysanaha waxaa la sheegay inay da’diisu tahay 24 sano jir ka qaxay Soomaaliya, waxayna Booliska ka toogteen Lugta, iyadoo kadibna qabtay kadib weerarkii xalay ka dhacay magaalada Wurzburg, Jarmalka.

Ninkan Soomaaliga ah wuxuu ku noolaa magaalada Wuerzburg ee Jarmalka tan iyo sanadkii 2015, isla sanadkaas oo Jarmalku xuduudihiisa u furey in ka badan hal milyan oo qaxooti ah.

Taliyaha Amniga ee Bavaria, Joachim Herrmann, ayaa sheegay in xaaladda ninkan uu boolisku ogaa, isla markaana la dhigay qeybta dhimirka maalmo uun ka hor markii uu weerarrka qaaday shalay.

‘Xaaladiisa ayaa la ogaaday bilihii la soo dhaafay, markii lagu arkay dabeecadaha rabshadaha wata, maalmo ka horna waxaa la galiyay daaweyn khasab ah oo maskaxda ah,’ ayuu yiri Herrmann.

Hadda baarayaashu waxay raadinayeen ujeedo ka dambeysa weerarkii ka dhacay magaalada Jarmalka ee Wuerzburg, oo ay ku dhinteen seddex qof shan kalena lagu dhaawacay. Herrmann ayaa u sheegay wakaalada wararka ee DPA inuusan meesha ka saari karin ujeedka xagjirnimada islaamka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON