Monday, June 23, 2025

XOG: Maamul Goboleedyada oo dhaqaale ku helaya taageerada Isbaheysiga Sacuudiga & Imaaraadka

Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa taageero dhaqaale ku helaya haddii ay caddeeyeen inay taageersan yihiin Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ka horjeeda dalka Qatar.

Somaliland oo ugu horeysay maamulada la saftay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa la sheegay in madaxdweynaha maamulkaasi oo socdaalkiisii labaad ku jooga Imaaraadka la siiyay lacag dhan 1 Milyan oo Doolar.

Maamulka Puntland oo heshiisyo iyo xiriiro gaara kula jira dalka Imaaraadka ayaa wararku sheegayaan in loo ballan qaaday lacag taas la mida, iyadoo dhowr jeer uu booqday Abu Dhabi.

Ad

Maamulkada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa dhinacooda laga sugayaa inay qaataan go’aano la mida kan Puntland, iyadoo Maamulka Hirshabeelle madaxweynihiisa oo dhowaan xilka laga qaaday aan la ogeyn inuu mudan doono lacagtan.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa qoraal u dirtay safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Maxamed Alcuthmani, waxaana uu ku doodayaa in taageerada uu siiyay Isbaheysiga Imaaraadka iyo Sacuudiga dartiis xilka looga qaaday.

- Advertisement -

Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa ku guuldarreystay cadaadis ay saareen dowladda Soomaaliya inay bedelaan mowqifka dhexdhexaadka ah ee ay qaadatay, taasoo bedelkeeda loo xil saaray Imaaraadka inuu maamullada Soomaaliya u wareegto.

Imaaraadka ayaa hore dhaqaale u qeybiyay madaxweynayaasha maamulada dalka taasoo ku saabsaneyd doorashadii madaxweynaha iyo xildhibaanada Federaalka, taasoo inta badan shaqeyn weyday.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON