Monday, July 14, 2025

XOG: Madasha Qaran oo si qorsheysan u laashay qeybtii Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

War-murtiyeed kasoo baxay xalay shirkii Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida uga socday magaalada Muqdisho muddo toddobaad ah ayaa si qrosheysan loogu diiday in gobolka Banaadir xubno ku yeesho Aqalka Sare taasoo ahayd arrintii ugu adkeyd ee Madasha hor taalay.

Madasha ayaa sheegtay in arrinta maqaamka Muqdisho loo saarayo guddi, kaasoo la siiyay muddo laba bilood ah, waxayna arrintan si cad u muujineysaa in xilliga guddiga la siiyay oo doorashadu socoto ay xaaladu u muuqato in dadka lagu maaweelinayo oo madaxdu ku heshiisay in arrinta Muqdisho dib loogu dhigo 2020.

HOOS KA AKHRI QODOBKA WAR-MURTIYEEDKA MADAXDA MADASHA KA GAAREEN ARRINTA MUQDISHO

Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.

Dhammaan arrimihii kale ee la filayay in go’aan laga gaaro ayaa dib loogu dhigay shir madashu ku yeelan doonto magaalad Baydhaha 20 June.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON