Sunday, June 22, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo laga hor istaagay inuu Booqdo Suuqa Bakaaraha [Dhageyso sababta]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta laga hor istaagay inuu booqdo suuqa Bakaaraha oo dab qabsaday magaalada Muqdisho.

Saraakiisha amniga ayaa u sheegay madaxweyne Farmaajo inay halis amni iyo isku dhex yaac ka jiro suuqa, taasoo aysan suuragal ahayn inuu booqdo, waxaana la sheegay in madaxweynuhu qaatay talada saraakiisha ammaanka.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida NISA Jeneraal C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa tegay suuqa isagoo farriin ka sida madaxweyne Farmaajo wuxuuna dadka u sheegay inuu Madaxweynaha aad uga murugooday qasaaraha ka dhacay iyo dhibaatada gaartay ganacsatada.

Ad

Taliye Gaafow ayaa sheegay in madaxweynaa uu jeclaa inuu yimaado suuqa laakiin dabka oo socday darteed u suurageli weyday, balse la qaadi doono tallaabooyin wax looga qabanayo xaaladda suuqa, wuxuuna intaas ku daray in waqti kale Madaxweynuhu uu booqan doono suuqa.

DHAGEYSO JEN. GAAFOW

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON