Monday, July 14, 2025

XOG: Madaxweyne Xasan Sheekh & Shariif Xasan oo sameystay isbaheysi siyaasadeed KMG ah

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inay sameysteen isbaheysi siyaasadeed kadib culeys kaga yimid maamulada Puntland iyo Jubba.
sharif-xasan

Shirkii wadatashiga dowladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ah ayaa laga dareemay arrintaasi, iyadoo maamulka Jubba inta badan ku mowqif ahaa Puntland, halka Shariif Xasan isna la safnaa dowladda federaalka, arrintaas oo keentay inuu isbaheysi kumeelgaar ah dhex maro labada dhinac.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu isla og yihiin arrinta mooshinka ka dhanka ah maamulka Axmed Madoobe, isla markaana qorshe hoose ka dhaxeeyo oo ku saabsan arrimaha hiigsiga cusub ee 2016-da. Labadan mas’uul ayaa hore shirko ugu ahaa ridistii xukuumadii hore ee C/weli Sheekh.

Isbaheysigan cusub ayaa ku dhashay xaalad kumeelgaar ah oo aan la ogeyn inay sii jiri doonto, inkastoo dowladda federaalka ka yareyn doonto culeyska maamulada kale ku hayaan.

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML-1″]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON