Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in markabkii ARIS 13 ee dabley hubeysan ku heysteen xeebaha degmada Caluula ee Gobolka Bari, maamulka Puntland xilli danbe oo caawa ah la siiyay.
Qaabka loo sii daayay ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, iyadoo saraakiisha ciidamada Puntland ay sheegeen in laba weerar oo ay ku qaadeen dableyda Markabka iyo culeys ay saareen ay keentay in Markabka la sii daayo, sida uu sheegay taliyaha ciidamada Badda Puntland Cabdirxamaan Maxamuud Xasan.
Xogta laga helayo odayaasha dhaqanka degaanka ayaa sheegeysa in markabka lagu sii daayay waanwaan iyo heshiis qarsoodi ah, kaasoo dhigaya inay Markabka ka degaan, iyagana aan waxba loo raacan.
Heshiiskan qarsoodi ah ayaa u muuqda mid shaqeeyay oo dableydii ay ka degeen Markabka iyagoo nabad qaba, isla markaana aan la ogeyn meel ay u jiheysteen, halka markabka iyo shaqaalihiisa oo bed qaba la sheegay inay ku sii jeedaan xeebaha Gobolka Bari.
Markabkan ayaa dableyda burcad badeedka fadhigoodu yahay Puntland waxay qabsadeen isagoo ku soo jeeda magaalada Muqdisho oo uu shidaal u waday, waxaana laga leeyahay dalka Imaaraadka, halka uu sito calanka dalka Srilanka.
Goobjooge.com