Sunday, July 13, 2025

XOG: Maxaa ka jira in Farmaajo uu heshiis hoose la galay Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan..?

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in wadahadal u socday wakiilada Madaxweynaha xilkiisu dhammaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/Nuur (Janan) ay ku dhow yihiin inay gaaraan heshiis.

Magaalada Beledxaawo ayaa la sheegay inuu ka socdo shir madaxda iyo saraakiisha Gobolka Gedo, waxayna wararku sheegayaan in C/rashiid Janan iyo ciidamadiisa u soo wareegayaan dhinaca dowladda ee Gobolka Gedo, marka uu soo dhammaado heshiiska oo hadda ku jira qeybtii ugu danbeysay.

Faahfaahinta laga helay waanwaanta dhex maray Maxamed Farmaajo iyo Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa ah mid kooban, waxaana hadda la filayaa in magaalada Beledxaawo ay marti geliso xaalad cusub iyo isbedel ku yimaada Gobolka Gedo.

C/rashiid Janan ayaa laga soo xigtay inuu jiro wadahadal uu la wado dhinaca dowladda, balse wuxuu sheegay inuusan jirin wax heshiis ah, sida laga soo xigtay taagerayaasha dowladda.

Ciidamo badan, Madaxda iyo Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa hadda shir uga socdaan magaalada Beledxaawo..

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON