Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay warar ku saabsan in Imaaraadka Carabta uu bilaabay inuu Vissa saaro baasaboorka Maamulka la baxay Somaliland ee gooni u goosadka ah.
Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay sawirro Baasaboorka Somaliland oo Vissa Imaaraad ah ay saaran tahay, waxayna wararku sheegeen in Viisooyinkaasi ay bixiyaan Hoteelo iyo Shirkado Ganacsi oo soo saara, laakiin waxaa 24-kii ee ugu danbeeyay soo kordhay arrin kale oo muhiim ah.
Bogga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Imaaraadka ayaa lagu soo daray magaca “Somaliland Republic” oo ku jira dalalka dalban kara adeegga wasaaradda oo ay ku jiraan Dal-ku-galka, iyadoo Somalia laga saaray liiskaasi, waxaana madaxtooyada Somaliland laga soo xigtay inay Imaaraadka ay bilaabeen Dal-ku-gal ay ku bixinayaan Baasaboorka Somaliland.
Tallaabadda uu qaaday Imaaraadka ayaa u muuqata mid uu uga aargoosanayo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku tilmaameen mid halis ah.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA