Thursday, June 26, 2025

XOG: Maxaa laga yaqaan Ganacsadaha Qatar ee ku lug yeeshay Qaraxyda Boosaaso?

Warbaahinta dalka Imaaraadka Carabta ayaa qortay waxa laga yaqaan ganacsadaha ku soo baxay Warbixinta Wargeyska New York Times ee la sheegay inuu telefoon kula xiriiiay Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya, kuna wargeliyay in qarax magaalada Boosaaso ka dhacay bishii May ay ka dambeeyeen saaxiixbada Qatar si halkaas looga eryo Imaaraadka.

Ganacsade Khaliifa Kayid Al-muhannnadi, haddiiba laga baaro mareegta Google lama helayo macluumaad ku saabsan ninkan oo New York Times ay sheegtay inuu u dhow yahay Amiirka Qatar Tamiim Bin Hamad, waxaana kaliya la soo ogaaday inuu ka mid ahaa wafdiga Amiirka Qatar ee booqday dalka Indonesia, sida laga soo xigtay saxaafadda dalkaasi oo aan magacaabin.

Warbaahinta Imraaaadka ayaa ganacsadahan ku sheegtay inuu yahay Sirdoon Dhar cad, mas’uulna ka ah maalgelinta argigixisada, isagoo taageera kooxo ka dagaalama dalka Liibiya, xisaabo Bankiyeedna ka furtay dalka Tunisa, warkan waxay sheegtay Skynews Arabia in laga soo xigtay war ay qoreen saxaafadda Tunisia, iyadoo aan caddeyn u keenin.

Dalka Liibiya waa goob kale oo Soomaaliya la mida, waxaana ku loolama dalalka Imaaraadka iyo Liibiya, iyagoo kala taageerada Jeneraalka Khalifa Haftar oo Imaaraadku hubeeyo iyo dowlada KMG ah ee Triboli fadhigeedu yahay oo Qatar iyo Turkiga ay taageeraan.

Warbaahinta Imaaraadka ayaa sidoo kale qrotay in Ganasadgan Kaayid Al-muhindi lagu eedeeyey inuu si toos ah u maalgeliyo kooxaha argigixisada jooga dalalka Liibiya oo ay ula jeedaan dowladda KMG ah ee dalkaasi iyo ciidamadeeda, sida laga soo xigtaty Afhayeenka ciidamada Gen. Haftar Axmed Al-mismaari.

Ganacsadahan Khaliifa Kaayid Al-muhindi ma jirto warbixin cad oo dhexdhexaad ah oo laga hayo xaaladiisa marka laga reebo inuu u dhow yahay Amiirka Qatar, iyadoo weli aan la helin sawirkiisa saxda ah, kaliya waxaa la helay isagoo dad ku dhex jira, waxayna wixii intaas ka baxsan noqonayaan dagaalka warbaahineed iyo loolanka u dhaxeeya Imaaraadka iyo dalka Qatar.

Warbixinta ay qortay New York Times 22-kii bishan July ayaa soo kicisay kooxaha taageera danaha Imaaraadka ee Soomaaliya, halka dowladda Federaalka ee taageerada ka hesha Qatar iyo taageerayaasha ay difaacayaan dowladda Qatar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON