Saturday, July 12, 2025

XOG: Maxaa loo bedelay Afhayeenkii maamulka Gobolka Banaadir?

Iyadoo muddooyinkan danbe ay socoto xil ka qaadis lagu sameynayo qaar ka mida madaxda gobolka Banadir ayaa waxaa maanta soo baxday  wareegto guddoomiyaha Banaadir xilka uga qaaday afhayeenkii Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) iyadoo xilkan loo magacaabay Cabdifafaax Cumar Xalane, oo sidoo kale noqonaya  Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Cali Seko ayaa hore u ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii KMG ahaa wuxuuna haa mas’uul muuqda oo shaqadiisa ka adag, laakiin waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay soo if baxay is afgaranwaa ku yimid afhayeenka iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), kadibna uu Cali Seeko ka mid noqday mas’uuliyiin isku sharxday tartanka madaxtinimada ee maamulka loo sameynayo gobollada dhexe, taasoo keentay in ugu danbeyn maanta xilka laga xayuubiyo.

Wareegto uu soo saaray Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) hoos ka akhriso

afhayeen-wareegto

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON