Tuesday, June 24, 2025

XOG: Musuqmaasuq hareeyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya & Faahfaahinta laga helay

Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa hareyay fadeexad Musuqmaasuq ah oo keentay in la xiro Agaasimihii guud ee wasaaradda iyo Agaasimihii Maamulka lacagta, iyadoo laga cabsi qabo inay lugaha la gasho mas’uuliyiin iyo wasaarado kale.

Fadeexdan aya qaraxday xilli xasaasi ah oo Wasaaradda laga sugayo inay hoggaamiso dagaalka lagula jiro Coronavirus oo dunida oo dhan ku faafay, waxaase Googjooge.net ay ogaatay in kiiskan uu kasoo bilowday is-casilaadii agaasimihii sii hayey xilka Machadka Caafimaadka Qaran ee Qaasim Axmed Jimcaale. (Akhriso)

Xogta ayaa sheegeysa in Qaasim Axmed Jimcaale ay isku dhaceen agaasimaha lacagta Wasaaradda Maxamuud Maxamed Buulle, kadib markii bannaanka laga dhigay maamulka dhaqaalaha dib u dhiska Machadka, marka uu xilka iska casilayna looga yeeray Xafiiska Ra’iisal wasaraha, isagoo siiyey warbixin ku saabsan wax is-daba marin ka jirta wasaaradda Caafimaadka.

4 April 2020 xilli habeennimo ah ayey ciidamada dowladda gurigiisa kala baxeen Agaasimihii maamulka Maaliyada Wasaaradda Caafimaadka oo baaritaan iyo wareysi lala yeshay kadib ay arrinta lugaha la gashay Agaasimaha guud ee wasaaradda C/llaahi Xaashi Cali oo isagana ay xireen ciidamada dowladda 6-dii April ee shalay. (Akhriso)

Baarista musuqa la sheegay inuu ka dhacay wasaaradda caafimaadka waxaa hoggaaminaya xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka, waxaana baaraya CID-da, iyadoo dhaqaalaha la is daba mariyey ee la baarayo uu la xiriiro Machadka Caafimaadka oo mashruuciisala ogolaaday iyo maamulka lacago kale.

Agaasimaha Maaliyadda Wasaaraddda Maxamuud Maxamed Buulle ayaa la sheegay inay arritntan kula jiraan mas’uuliyiin kale, laakiin aysan door weyn ku lahayn Wasiiradda Fowsiya Abiikar Nuur oo ka mida xubnaha Golaha wasiirada ee aan saaxiibada badan lahayn.

Qandaraas ku saabsan Coronavirus oo lagu bixinayo lacag dhan 400,000 Doolar ayaa waxaa dhowaan maamushay Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, kaasoo la siiyey qandaaasle Soomaali ah bishii hore, iyadoo aanu quseyn kiisaska loo xiray labada aagaasime, balse la filayo in baaritaanka uu saameyn ku yeesho.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta badan kiiska musuqa ah ee mas’uuliyiinteeda ay ku dhammaadaan xal hoose iyo culeys beeleed oo keena in marka danbe lasii daayo mas’uuliyiintaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON