XOG: Muxuu C/raxmaan C/Shakuur ku diiiday ka mid noqoshada Madasha Xisbiyada Qaran..?

Waxaa dhowaan magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku haboobeen xisbiyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka horjeeda madaxda dowladda Soomaaliya.

Madashan waxaa hoggaamiye loogu doortay Shariif Sheekh Axmed, laakiin waxaa si lama filaan ah uga maqan isla markaana diiday inuu ka mid noqdo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hoggaamiya xisbiga Wadajir, isla markaana ka mida siyaasiyiinta ugu afka dheer ee ka horjeeda hoggaanka dolwadda Federaalka ee xilligan talada haya.

Ad

Xogta ay heshay Goobjooge.net ayaa sheegeysa in siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur uu Madashan ku diiday arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay inuu ka daalay ka hoos shaqeynta siyaasiyiin ay beel ahaan tartamaan oo kala ah madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ku adkeystay inuusan mar danbe diyaar u ahayn inay hoggaamiyaan siyaasiyiintaas.

Dadaal ay galeen xildhibaano ay isku heyb yihiin C/raxmaan C/shakuur si ay ugu qanciyaan inuu Madasha Mucaaradka ka mid noqdo ayaa guul darreystay mrkii uu ku adkeystay mowqifkiisa, taasoo dib usoo nooleysay loolankii siyaasdeed ee gudaha beesha Hawiye.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

130,903FansLike
1,339FollowersFollow
3,543FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!