Thursday, April 18, 2024

XOG: Muxuu Madaxweyne Farmaajo uga joojiyey maamul Goboleedyada Lacagtii kabka ee Bankiga Adduunka?

Waxaa sii kordhaya su’aalaha ka dhashay tallaabo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku joojiyey lacagtii ugu horeysay ee Bankiga Adduunka u siiyey Soomaaliya Kabka Miisaaniyadda, kadib markii lagu heshiiyey qaabka loo qeybiyey lacagtaasi.

Shir magaalada Muqdisho ku dhex maray wasiirada maaliyadda Soomaaliya iyo mamul Goboleedyada oo ka dhacay Muqdisho 11-12 Ogost ayaa la isla gartay in qaab lagu qnacsan yahay loo qeybiyey deeqda kabka Miisaaniyada ee Bankiga Adduunka ka timid, waxaana markii danbe lacatan inteeda badna loo qoondeeyay sida soo socota:

Dowladda Federaalka = $19 Milyan

Ad

Somaliland $11 Milyan

Puntland = $9 Milyan

Galmudug = $4 Milyan

- Advertisement -

Koofur Galbeed = $3 Milyan

Jubbaland  $3 Milyan

Hirshabeelle  $3 Milyan

G/Banaadir $3 Milyan

- Advertisement -

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu hakiyey lacagtan, isagoo sida xogta lagu helay sheegay in qaabka lacagta loo qeybiyey ay khaldan tahay, waxaana si gaara farta loogu fiiqay saamiga lacagta looga qoondeeyay Somaliland iyo Puntland, iyadoo madaxweyaha ku adkeysay in dib loogu noqonayo.

Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu shaaciyey horaantii bishi Maarso in lacag dhan 45 Milyan oo Doolar uu si toos ah Bankiga Adduunka ku shubay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, taasoo ahayd kabka miisaaniyadda dowladda.

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan Muqdisho ayaa xalay sheegay in lacagtii kabka miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya oo loogu talogalay in loo qeybiyo Maamul Goboleedyada ay ku xayiran tahay Bankiga Dhexe ee Muqdisho, ayna su’aalo badan kasoo weydiiyeen dalalkii deeqdasi bixiyey, wuxuuna ka digay inay arrintaasi halis ku noqoneyso Barnaamijkii Deyn cafinta ee mudadda dheer socday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON