XOG: Ololaha musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka oo meel xasaasi ah maraya & Wararkii ugu danbeeyay

0

Ololihii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho oo muharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ay ugu jiraan inay  u helaan codadka xildhibannada.

Hoteellada Muqdisho ayaa shidan iyadoo labadii habeen ee ugu danbeysay aan laga seexan, waxaana soo baxaya musharixiin rajo ka leh kursiga ugu sareeya guddoonka iyo qaar ujeedkoodu ahaa inay is sharxaan oo kaliya.

Musharixiinta ololaha ugu badan wada ayaa waxaa ugu horeeya:

1- Maxamed Sheekh Mursal

2- Ibraahim Yarow Maxamed

3- Cali Maxamed Nuur (Xaaji Cali)

4- C/casiis Lafta-gareen

5- & Maxamuud Macalin Yaxye

Xildhibannada ka tirsan Golaha wasiirada ayaa ku kala qeybsamay taageerada xildhibannada Musharixiinta, waxayna doorashadan isu bedeshay mid jahawareer hareeyay oo aan la saadaalin karin cidda xilka ku soo bixi doonta.