Madaxweynaha dowladda Federaalka SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud ayaa soo rogay go’aanno cusub oo ku saabsan qaabka qaabilaadda Madaxtooyada iyadoo caqabado waaweyn la dul dhigay la kulanka madaxweynaha. Talaabadan oo madaxweynuhu amar ku bixiyay ayaa la sheegay inay sii adkeeyeen agaasinka madaxtooyada taasoo keentay inay baaqdeen kulamo uu madaxweynuhu laf ahaantiisa dalbaday.
Xildhibaanada oo ahaa tirada ugu badan ee madaxweynaha uu qaabilo ayaa loo qoondeeyay oo kaliya maalinta Khamiista, waxaana tiro ahaan la gooyay ilaa 10 xildhibaan khamiis kasta, waxaa ka sii darran iyadoo la kulanka madaxweynaha la isu diiwaangelinayo marka hore, kadibna, markii waqtigii lagu balamiyay la gaaro aad buuxineyso qoraal dheer oo ujeedka kulankaada iyo macluumaadka shaqsiga ah aad ku qoreyso.
[ad name=”HTML-3″]
Waxaa sidoo kale la joojiyay in madaxweynuhu habeenkii qaabilaad sameeyo marka laga reebo kuwa uu isagu dalbado, tallaabadan oo dad badan soo dhoweeyeen kuna tilmaameen in mar hore loo baahnaa ayaa dhinaca kale waxay saameyn xun ku yeelatay Golaha wasiirada iyo xildhibaanno badan oo dano kala gaara ka lahaa madaxweynaha, iyadoo la ogyahay in madaxtooyadu ay gacanta kula jirto howlaha xukuumadda.
Qaabka qaabilaadda cusub iyo qorshaha loo dejiyay madaxweynaha ayaa ka danbeeyay kadib markii uu ka soo laabtay safarkii caafimaad ee dalka Jarmalka oo dhaqaatiirta la sheegay inay uga digeen madaxweynaha fadhiga badan iyo soo jeedka uu caadeystay.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-7″]