Monday, July 14, 2025

XOG: Qorshe Madaxweyne Farmaajo kula wareegayo Guddigii Farsamada Shirka Dhuusamareeb 3

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa baahiyey muuqaal aan wax war ah la socon oo ku saabsan shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Guddiga Farsamada Shirka Dhuusamareeb 3 ee loo xil saaray kasoo talo bixinta qaabka Doorasho la isla ogol yahay oo dalka ka dhacda.

Guddigan oo ay ka maqan yihiin xubnihii ka socday Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhex muuqday wakiilada ka socda Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee uu soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna shirka ka dhacay shalay hotel ku dhex yaalla Garoonka Muqdisho.

Heshiiskii shirka Dhuusamareeb 2 ayay madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku heshiiyeen dhismaha Guddigan oo loo asteeyay inuu ku shaqeeyo Magaalada Dhuusamareeb, waxaase muuqata in Madaxweyne Farmaajo uu dadaal u galay in shirarka Guddiga ay ka dhacaan Muqdisho, isagoo ku qanciyey madaxweynayaasha Hirshabeelle, K/Galbeed iyo Galmudug oo uu dhowaan Muqdisho kula kulmay.

Waxaa kaloo Guddiga farsamada lagu soo daray laba xubnood oo ka socda Gobolka Banaadir, waxayna tiradiisu hadda noqotay 16 xubnood, taasoo aan ka mid ahayn heshiiskii Dhuusmaareeb 2, lamana oga sida shirarka guddiga farsamada ee qabyada ah saameyn u yeelan doonaa.

Puntland ayaa si cad u diiday inay ka qeyb gasho kulanka Guddiga farsamada inta laga dhisayo Xukuumad rasmi ah, isla markaana shirka loo wareejinayo magaalada Dhuusamareeb, waxaan go’aan kaas u dhow qaatay Jubbaland.

Tallaabadan ayaa loo arkaa qorshe cusub oo Madaxweyne Farmaajo kula wareegayo Guddiga Farsamada si uu go’aankooda saameyn ugu yeesho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON