Monday, July 14, 2025

XOG: Qorshe Mooshinka Madaxweynaha lagu hor keeni lahaa Baarlamaanka oo fashilmay

Qorshe uu waday guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo lagu doonayay in Baarlamaanka Federaalka lagu hor keeno maanta mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha ayaa fashilmay kadib markii ay soo dhex galeen arrimo aan la fileyn oo curyaamiyay hore u socodka Mooshinka.

BAARLAMAANKA

Prof. Jawaari ayaa joojiyay inuu Mooshinkaasi geeyo Baarlamaanka si looga hadlo sharcinimadiisa iyo halka loo gudbinayo, laakiin wuxuu gaarsiiyay xildhibaanada mooshinka wada in arrintaasi dib u dhac ku yimid ayna ugu wacan tahay isagoo isla beri (Maanta) noqonaya ku-sime madaxweyne kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu socdaal u qorsheysan ku aadi doono dalka Imaaraadka Carabta.

Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ee Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa iyagu mooshinkaasi gacmaha ka laabatay taasoo keentay in arrintiisu ku koobnaato Guddoomiyaha. Dib u dhaca cusub ee ku yimid rajadii soo gashay xildhibaanada wada Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ayaa laga cabsi qabaa inay dhaawac kale gaarsiiso Mooshinka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON