Friday, June 27, 2025

XOG: Qorshihii Imaaraadka Carabta ee Doorashada oo fashil ku dhow & musharixiinta ay saameysay

Qorshihii dowladda Imaaraadka Carabta ku dooneysay inay saamey weyn ku yeelato Doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa mudgdi sii gelaya iyadoo musharixiin dhinaceeda lagu xaglinayay doorkoodu sii yaraanayo.

Imaaraadka oo faragelin weyn ku sameeyay madaxda Soomaalida, isla markaana ka mid noqday dowladaha sida tooska ah u hagaya doorashada ayaa si aan la fileyn hakad u geliyay qorshihiisa xilligii ugu danbeeyay ee dooroshada.

Xafiis dowladda Imaaraadka  ka furatay magaalada Nairobi si loo xiriiriyo howshan ayaa howlgab noqday, waxaana hadda soo baxay in laba ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha oo Imaaraadku lacag xoog leh u balanqaaday aan la siin wax kharash ah.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayuu Imaaraadku mid kasta dhinac u taageeray isagoo doonaya inuu midkood noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Labada musharax oo magaalada Nairobi isugu tegay kuna kulmay dhowaan ayaa wax heshiis ah gaari waayay, marka laga reebo inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa inuu dib u soo laabto Xasan Sheekh, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in taageeradii dhaqaale ee ay ka sugayeen Imaaraadka Carabta weli la’ yahay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa dhowaan xildhibaano uu kula shiray magaalada Muqdisho  u sheegay inuu heysto dhaqaale ku filan oo uu codad badan ku heli karo, laakiin dad ku dhowdhow Shraiifka ayaa Goobjooge.com u sheegay in dhaqaale la’aan xoog leh ay heysato.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON