Wednesday, July 9, 2025

XOG: Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo qarka u saaran inuu is casilo

Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa qarka u saaran inuu xilka iska casilo kadib markii ay saameyn weyn ku yeesheen go’aano aan la shaacin oo madaxda Madasha Qaran ay isla qaateen.

Maxamed Cumar Carte ayaa wara xogogaal ah sheegayaan inuu qaadacay maalmihii ugu dambeeyay ee shirka Madasha, taasoo ka dhalatay markii xubnihii aqalka sare ee hore loogu qoondeeyay Dirta Waqooyi (Somaliland) lagala noqday ku dhowaad kala bar oo la siiyay Gobolka Banaadir.

Arrintan oo keentay inay gadoodaan Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ka mida dowladda Federaalka ayaa dadaal loo galay maalmihii ugu danbeeay in lagu qanciyo go’aanka madasha, laakiin waxay si toos ah u qaateen go’aan ah inay ka baxaan dowladda Federaalka iyo qorshaha doorashada 2016.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa lagu cadaadinayaa inuu xilka iska casilo iyadoo uu socdo qorshe kale oo xubnaha golaha wasiirada oo dhan ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ay isku casilayaan.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON