Sunday, July 13, 2025

XOG: Sheekh Shariif iyo Qorshaha soo daahay ee uu ka wado Magaalada Jowhar (Abgaal iyo Xawaadle)

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo shalay gaaray magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabelle ayaa wada qorshe soo dib dhacay, kaasoo ku saabsan dib u heshiisiin xilligan laga dhex sameeyo beelaha isku haya xilka ugu sareeya ee maamulkaasi.

Isagoo kulamo kala duwan ka wada magaalada Jowhar ayuu xalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/llaahi Guudlaawe iyo odayaasha dhaqanka beelaha ee ku sugan magaalada Jowhar, isgoo usoo badnhgiay qorshiihiisa ah in dib loo dhigo Doorashada madaxdaa Hirshabelle, lagana heshiiyo awood qeybsiga.

Wararka ayaa sheegaya inuu Shekh Shariif Muqdisho kula kulmay Siyaasiyiinta beesha Xawaadle ee doonaya in xilka Madaxweynaha loo dhaafo beeshooda kaliya, isagoo ka dalbaday in ugu yaraan xilkaasi uu noqdo mid loo tartamo oo labada beelood ay ka heshiiyaan doorashada ka hor, sidaasina uu Jowhar ku tegay.

Kulanka dhex maray Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe oo ahaa mid albaabada u xiran yahay ayaa warar ku dhow sheegayaan inaan wax horumar ah laga gaarin, waxaana Musharax Cali Guudlaawe uu ku kalsoon yahay inuu ku guuleysanayo xilka Madaxweynaha Hirshabeelle oo ay ku taageereyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashada Hirshabeelle oo xowli ku socota iyo Sheekh Shariif oo si weyn uga daahay inuu Jowhar tagto xilligii loo baahnaa ayaa qorshihiisa ka dhigeysa mid u dhow inuu ku soo dhammaado guuldarro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON