Dowladda Shiinaha ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro dekadaha Soomaaliya, iyadoo dooneysa inay la wareegto dekadda magaalada Hobyo ee maamulka Galmudug.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay masuuliyiinka ka socday dowladda Shiinaha oo arrinta dekadda Hobyo ay ka wadahadleen.
Wararka ayaa sheegaya in kullanka looga hadlay dhismaha dekadda Hobyo, taasoo madaxweyne Xaaf la filayo inuu heshiis la saxiixdo shirkad Shiinees ah oo si weyn u daneyneysa dekdda Hobyo.
Sida la ogyahay Madaxweynihii hore Galmudug C/kariin Guuleed ayaa dhismaha dekadda Hobyo ku wareejiyay shirkad Ciraaqi, taasoo aan dib loo arkin wax shaqo ahna ka bilaalin dekadda Hobyo.
SAWIRRO
Goobjooge