Tuesday, June 24, 2025

XOG: Shirka Amniga Qaran ee Baydhaba: Laba Qodob oo Xalay lagu gaaray Xilli danbe & Wararkii ugu danbeeyay

Waxaaa maalintii labaad galay Shirka Golaha amniga Qaranka ee Magaalada Baydhbo uga socda madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka.

Wararka laga helayo Baydhaba aya sheegaya in madaxda ay ilaa xalay oo dhan ka doodayeen laba qodob oo aad u adkaaday kuwaasoo kala ah Qeybsiga Kheyraadka iyo qaabka Doorashada 2020 oo si weyn loogu kala aragti duwan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda Federalka ah Soomaaliya Cabdi Xoosh jibriil ayaa  sheegay in Shirka ka socda Baydhabo looga doodaya Wadaaga Khayraadka iyo nuuca doorasho ee dalka, doodaasna ay soo gaartay xalay saqdii dhexe.

Wasiir xoosh ayaa sheegay in doodda ku saabsan Doorashadda iyo khayraadka ay madaxdu  soo gabangabeeyeen xalay saacaddu markii ay ahayd 2:00 AM ee Saqdii dhexe, taasoo la isu soo dhowaaday.

Waxaa rajo laga muujiyey in maanta shirka lasoo gabagabeeyo oo heshiish lagu saxiixdo, sida qorshuhu ahaana sidaasi shirku ku soo dhammaado, iyadoo ay jiraan  colaado hoose oo ka dhex oogan madaxda dowladda iyo maamullada qaarkood.

Arrinta Qeybsiga Kheyraadka ayaa hayad  ayaa saacado badan qaadatay in xal laga gaaro iyadoo la isku qbatay Cidda bixinaya Ruwsadda (Licences-ka) shirkadaha caalamiga ah ee Kalluumeysiga, waxayna dowladda federaalka dooneysay in looga dambeeyo arrintaasi, halka maamul goboleedyada ay soo-jeediyeen in la dhiso guddiyo arrimahan Licences-ka ka shaqeeyo, sida guddiga  shidaalka qaranka,  oo uu ka koobnaado 2 xubnood oo dowladda ah iyo mid hal xubin oo maamul goboleedyada ah iyo xubin maamul ah, dood dheer  kadib waxaa ay dowladda federaalka ah ku adkeysatay xataa haddii guddiga la dhiso in Wasaaradda loo daayo saxiixa iyo go’aan ka gaarista kama dambeysta ah.

Arrinta Doorashada ayaa iyaduna dhalisay dooda kale iyadoo  madaxda dowladda federaalka ah ay ku adkeysteen  doorashada soo socota looga baxo nidaamka 4.5, waxaana qaar ka mida dowladaha maamul goboleedyada  dood ka keeneen inay arrintaasi tahay riyo xilli Amniga liito, ergadii soo dooartay baarlamaanka hadda jirana maalin kasta la dilayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON