Dadaalkii loogu jiray in la soo xiro shirka Dhuusamareeb, lana furo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe ee ay gadaal ka riixeysay dowladda Federaalka ayaa gaabis ku socda kadib markii odayaasha dhaqanka ee ku sugan Dhuusamareeb aya ka caga jiidayaan fulinta heshiis hoose oo ay la gaareen madaxweyne Xasan Sheekh.
Odayaasha Beesha Ceyr ee gogosha Dhuusamareeb dhigtay ayaa madaxweynaha la gaaray heshiis ku saabsan in shirka la soo xiro iyagoo dalbaday shuruudo dhowr ah in loo fuliyo, kuwaas oo aan wax lug ah ku lahayn intooda badan shirka iyo arrimaha gobolada Dhexe.
Shuruudaha odayaasha Beesha Ceyr ay hordhigeen madaxweynaha waxaa ka mid ahaa:
1. In dowladdu bixiso lacag dhan 2 milyan Dollar oo ah kharashkii ku baxay shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb.
2. In Caasimada maamulka gobollada dhexe ay noqoto Dhuusamareeb, lana balan qaado.
3. In dowladu aqoonsato degmooyin cusub oo lagu kordhiyo Gobollada Dhexe.
4. In dowladu sii deyso Sheekh Xasan Daahir Aweys
[ad name=”HTML-2″]
Shuruudahan ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ogolaaday marka laga reebo sii deynta Sheekh Xasan Daahir iyo degmooyinka cusub, wuxuuse aqbalay in qeyb ahaan uu bixiyo kharashka ku baxay shirka Dhuusamareeb.
Arrintan waxay ka careysiisay beelo kale oo ka qeyb galayay shirka Dhuusamareeb, sida Beesha Caabudwaaq oo ergadeeda shirka kala baxday kadib markii ay ogaatay in magacooda gorgortan lagula galay dowladda iyo madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna isaga baxeen shirkii iyagoo ku laabtay degaanadooda. Wasiirka Gaashaandhigga iyo xubno ka soo jeeda beeshaasi ayaa dowladu u dirtay mar kale si ay u qanciyaan ergada gadooday.
Axmed C/salaan Xaaji Adan oo madaxweyne Xasan Sheekh ka balanqaadya inuu beesha Dhuusamareeb ku qanciyo inay soo xiraan shirkaasi, kharashkii dowladu balanqaadayna la geeyay Dhuusamareeb ayay haddan weli socdaan dadaalkii loogu jiray in la xiro shirka Dhuusamareeb oo u muuqda mid sii seeta dheereynaya howshii maamul u sameynta gobollada Dhexe ee cakiran.
Goobjooge.co
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]