Monday, June 23, 2025

XOG: Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee Qarka u saaran in xilalka laga xayuubiyo

Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in qaar ka mida taliyeyaasha ciidamada dalka ay xilalkooda weyn doonaan kadib dhismaha xukuumadda cusub.

Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee hadda xilalka haya waxaa dhammaantood magacaabay madaxweynihii hose Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana qaarkood ay si weyn ugu dhowaayeen.

Taliyeyaasha la sheehay inay miiska saaran yihiin waxaa ka mida:

Ad

Taliyaha ciidamada Booliska Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud

Taliyaha Hay’adda NISA C/llaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyeyaasha Milateriga, Ciidamada Badda, Abaanduulka iyo Asluubta ayaa la sheegay inay sii joogi doonaan intii muddo ah oo aan lagu degdegi doonin, waxaase ugu horeyn isbedelka uu saameyn doonaa taliyaha madaxtooyada.

- Advertisement -

Labadan taliye ayaa ahaa kuwo xiriir gaara uu kala dhaxeeyo madaxweynihii hore, waxaase taliyaha NISA loo heystaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin faragelin uu ku sameeyay doorashadii  Soomaaliya.

wakiilada Beesha caalamka siiba Mareykanka ayaa ku dhegan taliye Gaafow oo horeba loo hadal hayay inuusan xilka ku raagi doonin.

Caqbadda ugu weyn ee madaxweyne Farmaaho soo wajihi doonta ayaa ah cidda uu ku bedelayo ee xilalkan muhiimka ah loo magacaabi doono, iyadoo ay ku dhisan yihiin awood qeybi beeleed oo laga cabsi qabo inuu keeno loolan awoodeed.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON