Shirka dib u heshiisiinta Gobolada Dhexe ee ka s0cday magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu kordhiyay muddo 25 maalmood ah iyadoo siyaasiyiin ka horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh ay saameyn ku yeesheen shirka oo hore loogu balansanaa in la soo xiro 28-ka Bishan.
War ka soo baxay odayaasha shirka dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in shirkaasi waqtigiisa lagu kordhiyay 25 maalmood oo hadda uu xirmi doono 25-ka Maarso, taasoo sabab looga dhigay inaysan ku filneyn waqtiga hore loogu qoondeeyay sida uu ku dhawaaqay Afhayeenka shirka Maxamed Nuur Diini.
[ad name=”HTML-4″]
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dhuusamareeb gaareen laba xildhibaan oo ay ka mid tahay Ubax Tahliil Warsame oo khudbad ay ka jeedisay shirka si weyn ugu canbaareysay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dagaal afka ah ku qaaday iyadoo ku tuhuntay inuu ka horjeedo dadka goboladda Dhexe.
Kordhinta waqtiga shirka Dhuusamareeb iyo xaalada cusub ee shirka ku soo korortay oo ah inay hogaanka shirkaasi la wareegaan siyaasiyiinta ku kacsan madaxweyne Xasan Sheekh, kadibna dowlad goboleedka halkaasi ku dhisaan ayaa ah dhibaato hor leh oo madaxweynaha kaga soo furantay arrinta maamul u sameynta Gobolada dhexe oo horeba dagaalada Guriceel u hareeyeen.
Shirka Dhuusamareeb oo madaxweyne Xasan Sheekh ku qasbanaaday inuu tago markii uu furmay, iskuna dayay inuu ku qanciyo odayaasha iyo dadka shirka wada in la soo gabagabeeyo Bishan Febraayo, kadibna laga qeybgalo shirka Cadaado oo maamulka Gobolada dhexe lagu dhisayo ayaa waxaa muuqda inay xaalada dib ugu laabatay halkii ay ka timid.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]