Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa safiir u magacaabay wasiirkii hore Boostadda iyo Isgaariinta Guleed Xuseen Qaasim oo dhowaan xilka laga qaaday markii uu sidaasi dalbaday Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.
Kulanka Golaha wasiirada ee maanta ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hor geysay qorshe safiir looga dhigay wasiirka hore, taasoo ay taageereen isla markaan ay ansixiyeen xubnaha Golaga Wasiirada uu maanta guddoomiyay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte.
Golaha wasiirada ayay caado u noqotay inay ansixiyaan shaqsi safiir loo magacaabayo iyadoo aan la sheegin dalka uu safiirka ka noqonayo, waxaana arrintaas dib ka qora madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Goobjooge.com