Faahfaahin dheerad ah oo laga helay kulan ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen inta badan xildhibaannada iyo Wasirada kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa looga dooday arrinta Maqaamka Gobolka Banaadir iyo muranka ka dhashay 7 xubnood oo lasoo jeediyey in G/Banaadir laga siiyo Aqalka Sare.
Kulanka oo ayaa kii ugu weynaa ee dhex mara Wasiirada iyo xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Beesha Hawiye ayaa dood dheer kadib la isla meel dhigay qorshe ku saabsan metallaada G/Banaadir ee Aqalka Sare.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in xubnaha dowladda Federaalka ugu jira Beesha Hawiye ay isla garteen in lagu taageero soo jeedinta in Gobolka Banaadir uu metelaad iyo xubno ku yeesho Aqalka Sare, taasoo loo arkay tallaabo mudan in la taageero oo loo ololeeyo sidii loo xaqiijin lahaa.
Dhinaca kale waxaa kulanka la iskula meel dhigay in laga hortago wararka suuqa la geliyey ee ku saabsan in xubnaha loo qoondeeyay G/Banaadir lagu qeybiyo 4.5, taasoo ay suuqa geliyeen dad dano gaara leh oo aan ka mid ahayn soo jeedinta Guddiga labada Aqal.
Arrintan ayaa u baahan inay ogolaadaan 3/2 tirada Baarlamaanka Federaalka oo ah arrin adag oo la mid xil ka qaadista Madaxweynaha, waxaana la isu diyaarinayaa kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka oo furmi doona toddobaadka soo socda.

Xubnaha shirkan ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa: Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur, Wasiirka Ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan, Wasiiru dowlaha Gaadiidka, Wasiir kuxigeenada Dekedaha, Dhalinyarada iyo Isboortiga, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa.