Warar laga helayo shirka Madasha Qaran ee magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya
iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa sheegay in Madashu isku mari la’ dahay dhowr qodob oo ku saabsan doorashada.
Qodobka ka mida arrimaha la isku hayo ayaa ah goobta lagu soo xulayo xildhibaanada labada aqal ee loo qoondeeyay Beesha Khaatumo, waxaana Puntland ay ku doodeysaa in Garowe lagu soo xulo dhamaan xildhibaanada beeshaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya oo dacwad ay u gudbiyeen siyaasiyiin iyo odayaal caan ah oo Khaatumo kasoo jeeda ayaa dalbaday in loo madax bannaaneeyo beeshooda soo xulista xubnaha uga mid noqonaya labada aqal ee Baarlamaanka, taasoo keentay in Xasaa Sheekh uu dalbado in xildhibaanada Khaatumo intooda badan lagu soo xulo Muqdisho, taasoo uu ku gacan seyray madaxweynaha Puntland.
Waxaa hore loo ogyahay in xildhibaanada Khaatumo loo qeybiyay laba qeybood Baarlamaankii ugu danbeeyay oo qeyba ka mida ay soo xuleen odayaasha Beeshaasi, halka Puntland ay qeyb ka mida soo xushay.
Wadahadalka madasha oo weli socda ayaa laga rajo qabaa in xal laga gaaro arrinta xildhibaanada Beelaha Khaatumo iyo qodobo kale oo maqaamka Muqdisho ka mid tahay.
Goobjooge.com