Wararka laga helayo shirka Madasha Qaran ee madaxda dowladda Federaalka iyo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland ay noqdeen labada mas’uul ee ugu mowqif adag ee keenay inuu shirku daba dheeraado.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhegan inuusan xilka degeynin oo dowladda Federaalka dhammaan hay’adaheeda ay isku waqti noqonayaan, balse aanay suuragal ahayn inuu isaga xilka ka dhamaado, hay’adihii kalena ay sii joogaan, wuxuuna ka digay inay tani dhalin karo fowdo iyo qas siyaasadeed.
Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa isna dhinac kale taagan oo doonaya inuu isagu soo magacaabo xubnaha aqalka sare ee Beesha Khaatumo, wuxuuna ku adkeystay in xubnahaasi lagu soo xulayo magaalada Garowe.
Labadan qodob oo ay ku kala dhegan yihiin Xasan Sheekh iyo C/weli Gaas ayaa keenay in shirku daba dheeraado, isagoo maanta galay maalintiisii 7aad.
Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa hormuud u ah dadaalka lagu doonayo in lagu xaliyo qodobadda la isku heysto, waxaana socda dadaalo lagu doonayo in heshiis kama dambeys ah lagu gaaro.
Goobjooge.com