Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maamulka Mareykanka ee Madaxweyne Joe Biden gaarsiisay codsi ku saabsan in la kordhiyo duqeynta lagu qaadayo Alshabaab, xilli uu socdo dagaalka Alshabaab ee Koonfurta Soomaaliya.
Warbixin uu qoray Wargeyska New York Times ayaa lagu sheegay in Maamulka Biden uu ka fiirsanayo codsiga uga yimid dowladda Soomaaliya ee ku saabsan in Mareykanka uu kordhiy duqeynta, isagoo meesha ka saaraya xayiraadda saaran duqeymaha ay fulin karaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka Militariga Mareykanka ee lagu beegsado dagaalyahannada Al-Shabaab.
Codsigan ayaa imaanaya iyadoo dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay bilowday duullaan ka dhan ah Al Shabab, kaasoo ay qeyb ka yihiin Maleeshiyooyinka Beeleed gaar ahaan Gobollada Hiiraan Galgaduud iyo Sh/Dhexe.
Madaxweyne Biden ayaa dib ugu soo celiyay Soomaaliya 450-askari oo Maraykan, kuwaas oo uu ka saaray Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald J. Trump bishii Janaayo 2021, balse waxaa xadiddan duqeymaha ay fulin karaan Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Mareykanka ka doonaya in ciidamada Mareykanka ay awood u yeeshaan inay weeraraan kooxaha Al-shabaab xaalad kasta, mar haddiiba ay ay khatar ku yihiin ciidamada Soomaaliya, iyagoo aanu dagaal socon, halka xilligan ay kaliya duqeynta Mareykanku timaado marka Alshabaab dagaal la galaan ciidamada dowladda ee loogu yeero inay gacan siiyaan.
Tallaabadan ayaa haddii uu ogolaado Mareykanka kordhin doonta weerarrada Mareykanka ee gudaha Soomaaliya iyo ku lug lahaanshaha Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Duqeynta diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ka fuliyeen Somaaliya sanadkan ayaa gaareysa 11, waxaana ugu dabeysay duqeyntii uu Taliska AFRICOM shaaciyey in Axadii todobaadkan lagu dilay labo dagaalyahan, duleedka magaalada Buuloburte.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan saxiixay siyaasadda lagu maamulayo duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka dhaca meelaha ka baxsan aagagga dagaalka taasoo u baahan ogolaanshihiisa si loo beegsado mintidiin gaar ah, taasoo quseysa Soomaaliya, laakiin waxaan ogolaasho u baahneyn weerarrada loo qaado is-difaaca ah.
