Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo dhowr bilood ku sugnaa magaalada Muqdisho loona heystay dilka sarkaal u shaqeynayay hay’adda miino baarista UN-ka ayaa shalay dib ugu laabtay Beledweyne.
Qorshaha tegista C/fataax ee magaalada Beledweyne ayaa la sheegay inuu yahay mid uu wato madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku doonay in shirka Beledweyne lagu kala diro iyadoo C/fataax Xasan Afrax laga dhigay musharax magac u yaal ah madaxweynaha maamulka loo dhisi doono Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa saaxiib dhow la ah madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana laga badbaadiyay kiis dil oo halis geliyay mustaqbalkiisa siyaasadeed.
Soo dhoweyn diiran ayaa loo sameeyay C/fataax Xasan Afrax, waxaana ay is arkeen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo la sheegay inay kulan gaara yeesheen.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com