Sunday, July 13, 2025

XOG: Xiisad siyaasadeed oo dhex taagan xildhibaanada Beesha Mudullood & Guddoomiye Taabit

Xiriirka guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed iyo xildhibaanada labada gole ee Beesha uu kasoo jeedo ayaa sii xumaanaya.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii labada dhinac oo horeba shaki u dhaxeeyay ay ku soo kordheen arrimo cusub oo uu ku lug yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xogta ay heshay Goobjooge ayaa sheegeysa in xildhibaanada beesha Mudullood qaarkood ay ku eedeeyeen guddoomiye Taabit inuu ku lug leeyahay xiisadda ka taagan degaanka Garas-baaley ee duleedka Muqdisho.

Dhibaatada ka taagan Garasbaaley ayaa timid kadib markii uu guddoomiyaha degamada Deyniile C/weli Nuur Faarax uu guddoomiye Waaxeed u magacaabay degaankaasi oo maamuladii hore ay u aqoonsadeen degaan gaar u taagan, taasoo keentay iska hor imaad keenay inuu qof ku dhinto.

Xildhibaanada Beesha oo farageliyay arrintan ayaa ku guuleystay in la aaso meydka askari lagu dilay iska hor imaadka ka dhacay Garasbaaley, waxaana la sheegay inaan weli xal loo helin faragelinta guddoomiyaha degmada Deyniile ku sameeyay degaanka Garasbaaley.

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa ku dooday inuusan waxba kala socon arrinta Garasbaaley, isla markaasina la qabin guddoomiyaha degmada Deyniile magacaabidda uu sameeyay laakin waxaa dhacday inuusan wax tallaabo ah ka qaadin.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON