Tuesday, June 24, 2025

XOG: Xiisad siyaasadeed oo ka taagan Liis laga faafiyey xildhibaannada taageersan xukuumadda

Xiisad siyaasadeed  iyo dood culus ayaa ka dhalatay liis lagu qoray xildhibaannada taageersan xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo lagu sheegay in lacago dheeraad ah ka qaataan xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

Liiska oo wareegaya baraha bulshada, isla markaana lagu qoray magacyada xildhibaanno ka badan 80 oo la sheegay inay siyaabo kala duwan lacago uga qaataan Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ka careysiiyey xildhibaanada magacyadooda la baahiyay oo hadda sheegay inay dacwad ka qorayaan xubno ay tuhunsan yihiin inay been abuurkaasi ka faafiyeen.

Qaar ka mida xildhibaannada liiskan laga qoray ayaa noo sheegay inuu yahay dacaayad meel looga dhacay sharaftooda, ayna hayaan xubno xildhibaanno ah oo ka dambeeyay, kuwaasoo baraha bulshada ku qeybiyay liiska been abuurka iyo dacaayadda ah, isla markaana ay dacwad geyn doonaan guddiga anshaxa Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaabka liiska loo qoray, ereyada la adeegsan sida XISBI XAAKIM iyo sida loo kala saaray xildhibaanada ayaa u muuqda mid la alifay oo xildhibaanada caadi ahaan taageersan dowladda lagu taxay.

Ololaha siyaasadeed ee kooxaha ka horjeeda dowlada Soomaaliya oo isugu jira xildhibaano, wasiiro hore iyo siyaasiyiin ayaa sii kordhaya xilli uu dhowaan madaxweyne Farmaajo si kulul u weeraray siyaasiyiin uu sheegay inay mar waliba ridaan xukuumadii dhalata.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON