Monday, June 23, 2025

XOG: Xildhibaan Dalxa oo helay abaalmarinta Mooshinkii Jawaari (Akhriso sida yaabka leh ee loo fuliyey DALHA DEAL]

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa mar kale loo magacaabay xil uu muddo dheer soo hayey balse Baarlamaankii 9-aad laga qaaday, taasoo keentay inuu dagaal u galo sidii uu dib ugu heli lahaa.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa xalay loo magacaabay u qaabilsanaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, iyadoo xilkan uu ahaa sababtii keentay inuu Xildhibaan Dalxa qeyb ka noqdo ololihii Mooshinka xil ka qaadista guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Qorshaha DALHA DEAL ayaa loo adeegsaday nashqad yaab leh oo Dalxa lagula heshiiyay inuu qeyb ka noqdo mooshinka Jawaari, haddii sidaasi Jawaari xilka looga qaadana uu heli doono xilkii uu muddo dheer xoreystay ee Jaamacadda Carabta oo markiii laga qaaday ay isku dhaceen Guddoomiye Jawaari.

MOOSHINKII JAWAARI

Intii ay socotay ololihii meesha looga saarayey Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa xildhibaanadii arrintaa waday waxaa loo ballanqaaday xilal iyo arrimo kale, wuxuuna Prof. Dalxa halkaasi ka helay dantii ahayd in dib loogu magacaabo xilka sare ku xusan.

YAA XILKAN HAYEY?

Waxaa Xilka u qeybsanaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta baarlamaankii 9-aad loo magacaabay Saqar Ibrahim Abdalla oo deegaan ahaan kasoo jeedo Jubbaland, laakiin xukuumadda iyo Ra’iisal wasaaraha waxay ku qaadatay naqshad iyo farsamo dheer si Dalxa loogu celiyo booskii uu calmaday.

SIDEE U DHACDAY DALHA DEAL?

Si Prof. Xildhibaan Dalxa loogu celiyo xilka Jaamacadda Carabta oo faa’iidooyin badan uu ku heystay waxaa Xildhibaan Saqar laga qaaday xilkii Baarlamaanka ee Jaamacadda Carabta, kadibna waxaa loo magacaabo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Xilka loo magacaabay Saqar Ibaarhim waxaa isna laga qaaday Xil. Cabdicasiis Saalax Carmaan oo ahaa mas’uulka kala waday wasaarada Shaqada, kaasoo hadda dibadda la dhigay si Xildhibaan Dalxa xilkiisii hore ugu soo laabto.

MAXAA LAGA FAHMI KARAA ARRINTAN ?

Arintaan ay isticmaashay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa laga dareemayaa in magacaabista iyo xil ka qaadista dowladda ay ku dhisan tahay nin jecleysi iyo daneysi siyaasadeed, ujeedka kaliya ee xilligan xilalka loo magacaabana ay tahay nin-tooxsi ka maran  danta Guud iyo horumarka dalka Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON