Friday, June 27, 2025

XOG: Xildhibaannada Federaalka oo bilaabay diyaarinta Mooshin cusub oo ka dhan ah Imaaraadka

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa bilaabay diyaarinta Mooshin cusub oo ka dhan ah dowladda Imaaraadka.

Mooshinkan ayaa yimid kadib weerarkii ay ciidamo taabacsan Imaaraadka ku qaadeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), waxana ujeedkiisu yahay in dowlada Xukuumada Soomaaliya lagu qabso inay tallaabo ka qaado faragelinta Imaaraadka ku hayo arrimaha gudaha dalka.

Xildhibaannada qaarkood ayaa u arka in Imaaraadku uu hadda isu bedelay dal ciidamo ku dhex leh gudaha Muqdisho oo awooda inuu howgollo, dilal qorsheysan iyo xarig ka fuliyo gudaha Muqdisho, iyadoo aanay waxba kala socon dowladda Federaalka.

Waa mooshinkii saddexaad ee ay xildhibaannada ka diyaarinayaan Imaaraadka, iyadoo labadii Mooshin ee hore kuna saabsanaa saldhigga Imaaraadka ee Berbera iyo  faraeglinta Imaaraadka ay ku dhammaadeen guddoonka Baarlamaanka oo aan marna la horkeenin fadhiyadii Baarlamaanka sababo jira awgood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON