Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaalida Cumar C/rashid ayaa 26-kii Bishan u magacaabay Agaasimaha Hay’adda
Socdaalka iyo Jinsiyadaha inuu noqdo Gaashaanle Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), taasoo keentay su’aalo badan oo ku saabsan inuu xilkaasi ka soo dhallaali karo.
Xog cusub oo Goobjooge.com ay heshay ayaa sheegeysa in arrintan ay ka dambeysay qorshe madaxweyne Xasan Sheekh ugu talogalay inuu khaarijiyo Beesha Habargidir oo dooneysay inay helaan xilka Taliyaha Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda.
Wasiirka Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu yahay ninka keensaday Gaashaanle Koofi in xilkaasi loo magacaabo iyadoo beesha inteeda kale ay diidan tahay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabidda xilalka uu sharci ahaan u lahaa isaga wareejiyay xukuumadda iyo Ra’iisal wasaaraha, inkastoo uu yahay mas’uulka rasmi ahaan oo dhan go’aankeeda gaara.
WARGEETADA
Goobjooge.com