Friday, June 27, 2025

XOG: Yuu taageero ka heystaa Jawaari..? [Warbixin ku saabsan xildhibannada la safan Guddoomiyaha Baarlamaanka]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ogolaaday in mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay codeyn lagu kala baxo.

Jawaari ayaa meesha ka saaray baaqyo loo jeediyay oo ahaa inuu is casilo, waxaana la is weydiinayaa inta ay la eg tahay taageerada uu heysto guddoomiyaha xaaladu ku xun tahay ee ay isku baheysteen xildhibaanno iyo xukuumadda Soomaaliya.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in guddoomiye Jawaari uu isku halleynayo xildhibaanno tiradoodu ku dhowdahay 70 oo intooda badan ay yihiin xildhibaanadii kooxda Qabyo ee taageersanaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ah difaacayaasha guddoomiye Jawaari.

Waxaa wehliya oo dhinaca Jawaari ka safan guddoomiyeyaasha guddiyada Baarlamaanka ee joogtada ah iyo xildhibaanno iskood u taageeraya oo ay Soomaalinimo ka tahay, kana horjeeda weerarka ay guddoomiya Jawaari ku heyso xukuumadda Kheyre oo dooneysa inay iska hor wareejiso.

Saddexdaas koox oo isbaheystay ayaa difaac u ah Guddoomiye Jawaari, wuxuuna isku halleynayaa Soomaalinimo isagoo aan looga baran inuu laaluush ku bixiyo doorashada iyo mooshinnada.

Inkastoo ay socdaan olole lagu doonayo in laga soo jiito xildhibaannada ku harsan taageerayaashiisa ayaa haddana la rumeysan yahay inay adkaan doonto sidii kursiga looag tuuri lahaa haddii si sharci ah loo maareeyo mooshinka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON