Monday, July 14, 2025

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka oo wadahadal Muqdisho kula leh madaxda Somaliya

Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Mareykanka, John Kerry, ayaa goor dhoweyd kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ammaankiisa aad loo adkeeyay ciidamo Mareykan ahna la soo dhoobay.

Socdaalkan oo hore aan rasmi ahaan loogu shaacin ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo mas’uul Mareykan ahi ku yimaado magaalada Muqdisho muddo Rubuc qarni ah.

kerry_uyar

Kerry ayaa  Garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmi doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiiid iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubba iyo K/Galbeed.

Waxaa garoonka ka bilowday  wadahadalkii madaxda Soomaalida iyo wafdiga John Kerry iyadoo arrimaha looga hadlayo ay ka mid yihiin hiigsiga cusub, horumarka laga gaaray nabadeynta iyo kooxda Alshabaab iyo taageerada Mareykanku siinayo Soomaaliya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON