Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa xanuun degdeg ku haleelay magaalada Nairobi ee dalka Kenya xilli uu booqasho ku joogo Qaaradda Afrika.
Wararka ayaa sheegay in Rex Tillerson uu joojiyey shirarkii iyo qaabilaad uu la yeelan laha madaxda kala duwan ee dalka Kenya oo booqasho saddex maalmood ah shalay uga bilaabatay kadib markii la sheegay in xaalad caafimaad darro lasoo gudboonaatay.
Afhayeenka Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka Steve Goldstein ayaa sheegay in xoghayaha aanu dareemeynin xaalad wanaagsan kadib muddo dheer oo safarro is daba joog ah iyo shaqo badan uu ku qaatay dalal ka baxsan Mareykanka.
Maanta ayaa la sheegay inuu booqan lahaa safaaradii Mareykanka ee la qarxiyey sanadkii 1988 iyo meel kale oo lagu waday inuu booqdo ayaa gebi ahaan la kansalay.