Friday, June 27, 2025

Xoghayaha Difaaca Ingiriiska oo booqasho aan la shaacin ku jooga Muqdisho [Daawo Sawirro]

Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska Gavin Williamson ayaa booqasho aan la shaacin ku jooga magaalada Muqdisho, wuxuuna shalay kasoo degay Garoonka diyaraadaha Muqdisho, iyadoo uu soo dhoweeyay safiirka UK ee Muqdisho David Concar.

Xoghayaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ku qaabilay madaxtooyada, iyadoo ka wadahadlay xiriirka labada dal, taageerada dowlada UK ee Soomaaliya, xaaladda Amniga Soomaaliya iyo sidii loo  kordhin lahaa taageerada UK ee Soomaaliya.

Xoghayaha Difaaca UK ayaa sidoo kale xarunta Xalane kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod), iyagoo  isla soo qaaday ahmiyadda ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Dhinaca kale xoghayaha difaaca Ingiriiska Gavin Williamson  ayaa  la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM, ciidamada UK ka jooga Soomaaliya iyo saraakiisha Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON