Monday, June 23, 2025

Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay oo Mas’uul Cusub u soo magacaabay Soomaaliya [Akhriso]

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa mas’uul cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kaasoo noqon doona ku xigeenka wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya,. sida lagu shaaciyey qoraal goor dhoweyd kasoo baxay xafiiska Xoghayaha guud ee UN-ka.

Adam Abdelmoula ayuu xoghayaha guud ee Q/Midoobay u magacaabay inuu noqdo ku xigeenka Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya iyo xiriiriyaha arrimaha Bani-aadamnimo ee Soomaliya, waana nin u dhashay dalka Suudaan, balse wuxuu heystaa dhalashada Mareykanka, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay hay’adaha Q/Midoobay iyo dalal kala duwan.

Mudane Adam Abdelmoula ayaa bedeli doona George Conway oo u dhashay dalka Canada, kaasoo xilka sii hayey ilaa April 2019. Mas”uulka cusub wuxuu muddo 30 sano la shaqeynayey hay’adaha Q/Midoobay, wuxuuna kasoo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Kuwait, Somalia iyo Syria, isagoo xiligan hayey xilka agaasimaha Guddiga sare ee xuquuqda aadanaha Q/Midoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON