Monday, June 23, 2025

Xoghayihii ugu awoodda badnaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shaqada laga joojiyay [Qoraal]

Wararka laga helayo Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegaya in shaqadii laga joojiyay Xoghayihii Joogtada ee KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa soo saaray joojin uu ku sameeyay Xoghaye Yaxye Cali Ibraahim oo ahaa ninka ugu awoodda badan Wasaaradda isla markaana ka mid ahaa xubnaha sida weyn loogu tiriyo dowladda hore ee Xasan Sheekh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa shaqo joojinta uu ku sameeyay xogyahihiisa sabab uga dhigay cabasho ka timid shaqaalaha, xadgudub hanaanka shaqada iyo wado shaqeyn la’aan uu ku kacay Xoghayaha xilka laga farisiiyay, taasoo keentay curyaaminta habsami u socodka howlaha wasaaradda.

Ad

Xoghaye KMG ah ayuu sheegay inuu sii wadi doono xilka Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda kaasoo lagu magacaabo C/llaahi Maxamuud Xasan.

Yaxye Cali Ibraahim oo hore u ahaa madixii Jaamacadda SIU ee Muqdisho ayaa qaraabo la ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, lamana oga in tallaabada wasiir Juxa uu ka warqabo Kheyre iyo inkale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON