Saturday, July 12, 2025

Xoghayihii Wasaaradda Ar. Gudaha oo xilka banneeyay, kadib hanjabaad ka timid Wasiir Juxa [Akhriso]

Xoghayihii hore ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya Prof. Yaxye Cali Ibraahim ayaa aqbalay shaqo ka joojintii Wasiirka arrimaha gudaha, isagoo xilka banneeyay.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu Wasiir Cabdi Faarax Juxa ku adkeystay inuusan ka laabaneynin go’aankiisa, isla markaana aanu la shaqeyn karin xoghaye Yaxye, taasi bedelkeedana uu diyaar u yahay inuu xilka isla casilo.

Madaxtooyad ayaa la sheegay inay arrintan soo dhex gashay oo ay xalisay muranka siyaasadeed ee Wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana ka qeyb qaatay xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda dhinaca Xogyahaya.

Xoghayihii uu sida KMG ah u magacaabay Wasiir Juxa ayaa  C/llaahi Maxamuud Xasan ayaa maanta xafiisak tega inkastoo aanay dhicin wax xil wareejin ah, haddana waxay arrinta ku dhammaatay xeerjajab.

Prof. Yaxye oo haddaba madax ka ah guddiga Gurmadka abaaraha isla markaana ah nin galaangal weyn ku leh dowladda dhexdeeda ayaa la filayaa in xil kale loo magacaabo.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON