Tuesday, July 8, 2025

XOGTI UGU DANBEYSAY: Cumar C/rashiid oo cadaadis lagu saaray inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada Cusub

Shir muhiim ah ah ayaa xalay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Cumar C/rashiid Cali ku dhex maray xubno ay ka mid yihiin:

1. Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke

2. Shariif Xasan Sheekh Aadan

3. Faarax Sheekh C/qaadir

4. C/kariin Xuseen Guuleed

5 iyo Cali Balcad oo ah agaasimaha madaxtooyada

ayaa looga hadlay xaaladda magacaabidda Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya oo is mari waa’ badani ka taagnaa, waxayna wararka ay Goobjooge.com ka heleyso shirkaasi sheegayaan in Ra’iisal wasaare CCC culeys lagu saaray inuu degdeg u magacaabo Golaha wasiirada cusub ee uu liiskooda hayo.

Cumar C/rashiid

Shariif Xasan ayaa balan qaaday in xukuumadda la dhiso ay kalsooni ka heli doonto baarlamaanka, isl markaana aan loo hakin qeylo dhaanta kasoo yeereysa kooxaha is baheystay ee Kutalada la baxay, wuxuuna dalbaday in Golaha wasiirada lagu dhawaaqo, waxaa arrintaasi xoojiyay Faarax Sheekh  C/qaadir oo ku dooday in daahinta ay keentay buuqa badan ee hadda socda, kuna rajo weyn yahay in baarlamaanka ay mari doonto ayna adeegsan doonaan sidii horeba dhaqaale.

Shirka oo ujeeedkiisu ahaa in la dhiiri geliyo, laguna booriyo Cumar C/rashiid inuu go’aan adag qaato kuna dhawaaqo liiska Golaha wasiirada oo ay ku jiraan dhammaan saaxiibada madaxweynaha (Afarta) ah ayaa sida wararku sheegeen aqbalay taladaasi.

Shirka waxaa dib uga soo biiray

1. Maxamed Cabdi Afey

2 iyo Gen. Gabre

oo IGAD ka mida galaangal weyna ku leh dowlada Soomaaliya waxayna Ra’iisal wasaaraha cadaadis ku saareen inuu magacaabo Golaha wasiirada uu hayo, iyagoo taageeradooda siiyay, kadibna waxaa shir kale xubnahaasi oo dhan u aadeen madaxtooyada oo kulan kale uga bilowday madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaare, shirkaas oo xilli danbe lagu gaaray waxay wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in isku waafaqay in lagu dhawaaqo Golaha wasiirada muranku ka taagan yahay.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON