Xoogsatada Kaluumeysiga magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay bannaanbax ay uga horjeedaan maamulka Gobolka Banaadir oo ay ku eedeeyeen inay ka qaadaan lacag baad ah oo la hor istaagay shaqadoodii.
Bannaanbaxa oo ka dhacay degmada C/casiis ayaa waxaa ka qeyb galay xoogsato ay ka mid yihiin rag iyo haween, iyadoo ay ka dhex muuqdeen qaar da’ ah, waxaana rasaas ku riday ciidamada Booliska degmada Cabdicasiis, iyadoo halkaasi lagu dhaawacay labo ruux oo ka mid ah dadkii bannaanbaxa ka qeyb galayey.
Xoogsatada Kalluumeysatada ah iyo dadka ka ganacsada Kalluunka ayaa sheegay in xubno ka tirsan Ciidamada Amniga y dhibaato ku hayaan Suuqa Kalluunka ee Kulmis, iyagoo Canshuuraha ku waajibtay.
HOOS KA DAAWO