Thursday, June 26, 2025

Xubin ka mida Guddiga Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Somaliland oo Durba khalad ku dhacay & Raaligelin la bixiyey…

Guddiga uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya ee Wada-xaajoodka iyo Dhab u heshiisiinta Somaliland ayaa isagoo aan shaqo toos ah bilaabin ku dhacay khalad keenay inay raaligelin bixiyaan xubnaha kale ee Guddiga.

Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi C/raxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) ayaa la sheegay inuu hadal gef ku ahaa Puntland ka hor sheegay kulan ay la yeesheen Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana saxaafadda la hadlay xubno ay ka mid yihiin C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Cali Jaamac Jangeli iyo xubno kale oo raaligelin ka bixiyey khaladaasi.

Xildhibaan Jangeli oo ka mida Guddiga ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Danjire C/raxmaan Cabdi Xuseen aanu ahayn mid u qalma shacabka iyo maamulka Puntland, basle uu khaladkaasi kasoo noqday, kana bixiyey raaligelin, waxayna sheegeen inay raaligelin ka bixinayaan hadalka xanafta leh ee kasoo yeeray.

Arrintan ayaa yimid markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda Puntland ay hadalkaasi ka dhiidhiyeen.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON