Xubin ka mida Guddiga Taakuleynta ciidamada ee uu shalay magacaabay ayaa farriin u soo diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mohamed Yusuf Tigey ayaa sheegay inuu ka aqbalay Madaxweyne Farmaajo, magacaabista uu u magacaabay xubin ka tirsan guddiga taakuleynta Ciidamada Qaranka. Tigey oo hore u noqday guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland ayaa muddooyinkii danbe ku dhex jiray howlo samafal.
HOOS KA AKHRI FARRIINTIISA
“Adiga oo qoran askari adiga oo qoriga sidan qof walowba ciidan baad qaranka u tahee ogoow.
Waxaan ka aqbalay madaxwaynaha dawladda federaalka soomaaliya xubinnimada guddiga uu ii magacaabay waana u mahad celinayaa waxaanna diyaar u ayay inaan si Hagar la’aan ah ugu shaqeeyo dadkayga iyo dadkayga.
Waxaa la igu soo koriyay mushaar dawladeed waxaan ku soo barbaaray guri halgame SYL qarankii soomaaliyeedna wuxuu ii soo diyaariyay inaan dalkayga cadowga ka difaaco.
Dal aan ciidan lahay Qaran ma noqonkaro adduunkana ma jiro dal ciidan shisheeye amnigiisa sugo Dhamaanteen waa inaynu ka qayb qaadannaa dib u dhiska ciidanka qarankeenna”