Xubnaha ka mida Golaha wasiirada cusub ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa wada olole ay cod ugu raadinayaan xukuumadii saddexaad ee ugu danbeysay kadib markii Ra’iisal wasaaraha shir uu xalay la yeeshay uga dalbaday inay wasiir kasta saddex cod la yimaado, halka wasiiru dowleyaasha iyo wasiir ku xigeenada laga doonayo inay helaan laba cod.
[ad name=”HTML-2″]
Qaar kamida xubnaha golaha wasiirada ayaa la sheegay inaysan haba yaraatee heysan cod qura, halka qaar kale ay heystaan codad ka badan intii laga rabay, laakiin Madaxweynaha ayaa laga rajeynayaa inuu xildhibaanno ku dhow 30 codkooda ku biirin doono si xukuumadda codka kalsoonida uga hesho Baarlamaanka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa markan rajo weyn ka qaba in xukuumadani u mari doono baarlamaanka kadib markii ay aamuseen Kutlooyinkii xildhibaanada ee faraqa ku dheganaa. Caawa ayaa la filayaa inay shir kale isugu yimaadaan Ra’iisal wasaaraha iyo Golihiisa wasiirada si ay go’aan uga gaaraan codadka ay heystaan iyo xilliga ay hor tegayaan Baarlamaanka.
Xukuumadan cusub oo ka kooban 67 xubnood marka lagu daro Ra’iisal wasaaraha ayaa ah tii ugu xubnaha badneyd ee dhowaanahan Soomaaliya yeelato, waxaana ku dhowaad 25 ay yihiin xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]