Thursday, June 26, 2025

Xubno aan la fileyn oo ka mida noqday Wafdiga Farmaajo e Turkiga [Magacyada & Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wafdi balaan u horkacay dalka Turkiga.Socdaalkiisii shanaad ee Famaajo ku tegayo dal dibadda ah waxaa ku wehliya wasiiradii ugu badnaa ee xukuumadda, waxaana ka mida wafdiga madaxweynaha ilaa 5 wasiir, la-teliyayaal iyo saaxiibada madaxweynaha.

Xubnha wafdiga Madaxweynaha ee Turkiga waxaa ka mida:

  1. Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar Axmed
  2. Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow
  3. Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle
  4. Wasiirka Beeraha Saciiid Xuseen Ciid
  5. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalin Nuur
  6. La-taliyaha madaxweynaha C/raxmaan Yuusuf Ceynte
  7. Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise

C/raxmaan Ceynte ayaan weli wax xil ah loo magacaabin, isagoo hore u ahaa wasiirkii qorsheynta dowladii hore, waxaana lagu tiriyaa saaxiibada ugu dhow madaxweyne Farmaajo. Wasiirka Maaliyada oo ku maqnaa Mareykanka ayaa iskiis u tegay Turkiga kuna biiray wafdiga madaxweynaha.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab ayaa ka mid ahaanshihiisa la yaab noqotay kadib markii saacadihii ugu danbeeyay lagu soo daray wafdiga xilli uu waday mooshin looga horjeedo qorshaha ammaanka ee dowladda iyo maamul goboleedyada isku raaceen.

Arrintan ayaa loo arka in madaxweyne Farmaajo ku doonayo inuu xildhibaanka culeys ku saaro mooshinka  ku yareeyo saameynta uu ku lahaa.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON